R/Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay kulan uu soo qaban qaabiyay xiriirka guud ee ururada shaqaalaha dowlada
Kulankan oo ahaa mid aad u baaxad weyn oo ay isku arkayeen Shaqaalaha Rayidka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka dhacay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Kaahiye ee magaalada muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xiriirka Ururada Shaqaalaha Dowladda.
Madasha kulanka waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kheyre,Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ku xigeenkiisa, Wasiiradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Xunbo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo tiro gaareysa 1500 ee ka tirsan Shaqaalaha Rayidka.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xiriirka Guud Ururada Shaqaalaha Rayidka Nuur Axmed Diiriye ayaa shirka ku daahfuray soo dhoweyn iyo mahadcelin uu u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kasoo qeyb galkooda kulankan waxuuna ka warramay qabanqaabada munaasabaddan ee aheyd sidey u wada kulmi lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Shaqaalaha Rayidka hadalladiisina waxaa kamid ahaa: “Xafladdani waxaan foolaneynay muddo 20 cishood ah, Shaqaalaha Dowladdana mid waliba xafiiskiisa ayaa loogu tagay oo lagu wargelinayay, taasoo caddeyneysa muhiimadda gaarka ah oo ay inoo leedahay madaxda sare ee Dowladda inaan la kulansiinno Shaqaalaha si ay u dhacdo wada shaqeyn iyo iska warqab rasmi ah”.
Guddoomiyaha Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowladda Agaasime Cabdirisaaq Macalin Cilmi ayaa ka warramay muhiimmadda ay u leedahay in ay kulansiiyaan madaxda sare ee Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka waxuuna u sheegay shaqaalaha iney fursaddaan soo celin doonaan dhowr jeer si ay ugu faa’ideystaan, waxuuna hadalka kusoo dhoweeyay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ka hadlay madasha kulankan asagoo hadalladiisii baaq ugu jeedinaayay Ra’iisul Wasaraha, waxuuna yiri: “Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan kugusoo dhaweynaayaa madashan anigoo horhac laba qodob uga dhigaya, Astaamaha Qarannimo waxaa halbeeg u ah Ciidamo Qaran iyo Shaqaale Rayid ah, Waxey dadku qaar u arkaan Dowladnimada in ay tahay Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Xildhibaan iyo Wasiir un kaliya balse salka Dowladda halka ay ku fadhidaa waa Shaqaalaha Dowladda, sidaasi awgeedna waa inaan dhowrnaa sidoo kalana ilaalinaa xuquuqdooda maadaama aan ka warqabno dhibaatooyinka ay ku shaqeeyaan iyo kuwii ay horay u soo mareynba, iyadoo meesha ay ka saarneyn in lagula xisaabtamo waajibkoodii loo igmaday”.
Intaasi kaddibna waxuu hadalka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre si uu u soo jeediyo kalmadihiisii kaga aadaneyd kulanka.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la hadlayay Shaqaaliha ayaa uga mahadceliyay isu imaatinka kulankan muhiimka ah iyo sabarka ay kusoo sabreen marxaladaha adag oo ay soo mareen, waxuuna yiri: “Waxaan idiin ka mahadcelinaayaa xafladdan maamuusan oo aad isugu timaadeen inaad uga arrinsataan caqabadaha iyo Horumarka hortiina yaallo markii la yiraahdo shaqada aad u heysaan Dalka Soomaaliyeed, marka labaad waxaan idiin ka mahadcelinaayaa dhibaatada iyo duruufaha adag aad ku soo shaqeyseen, waxaad soo marteen iyada oon jidadka la mari karin, iyada oo amniga xun yahay iyo iyada oo aan la aqbali karin in loo shaqeeyo Dowlad Soomaaliyeed, waxaad soo marteen iyadoo laga faano u shaqeynta dowladda haddana waxaad mareysaan inaad ku faantaan Shaqada Dowladda taasina adinka ayaa sababteeda leh mahad gaar ah iyo qiimeynna idiin ku sugnaatay, dadkana waad ugu qiimo badnaan doontaan mustaqbalka”.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha oo soo gabagabeeyay kulanaka ayaa ugu baaqay shaqaalaha iney dhowraan waajibaaka hor yaalla asagoo u ballan qaaday iney Xukuumaddiisu bixin doonto wax walba oo xaq ah oo ay leeyihiin Shaqaalaha.