Welcome to Somali Public Workers Union

Madaxda Xiriirka guud ee Ururka Shaqaalaha Dawladda oo kulan la yeeshay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya

21 Mar

Madaxda Xiriirka guud ee Ururka Shaqaalaha Dawladda oo kulan la yeeshay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Mudane Nuur Diiriye (Fuursade) ayaa shir kula yeeshay Madaxda Xiriirka guud ee Ururka shaqaalaha Dowlada xafiiskiisa .

Agaasimaha guud ee madaxtooyada ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay xafiiska mas’uuliyiinta ku soo booqatay oo uu hor kacayay  Guddoomiyaha  Xiriirka guud ee Ururka Shaqaalaha Dawladda Mudane   Cabdirisaaq  Macalin Cilmi

Waxaana laga wada hadlay arrimaha kala ah

  • Wacyigalinta shaqalaha ayadoo laga wacyigalinaayo joogteynta imaashaha xafiisyada saacadaha shaqada iyo kala amar qaadasha goobaha shaqada.
  • Illaalinta xuquuqda shaqaalaha
  • Lasocodka iyo kormeerka shaqaalaha ka maqan goobaha shaqada cudurdaar la’aan
  • Waxaa kaloo laga wada hadlay sidii xafiiska agaasimaha guud uu gacan uga siin lahaa dhinacyada kala duwan ee arrimaha ururka shaqaalaha sida dib u soo celinta xaruntii ururka shaqaalaha ee guriga shaqaalaha iyo hanti kale oo uu lahaa ururka oo hada gacantiisa ku jirin iyo qodobo kale oo muhiim ah

Dhammaan  arrimihii laga hadlay waa la isku afgartay waxaana lagu heshiiyey in la dhaqan geliyo dibna la iskugu soo laabto goor dhaw.