
Guddoomiyaha Xiriirka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Dowladda (SOMALI PUBLIC WORKERS UNION) Mudane. Cabdirisaaq Macalin Cilmi, Ku Xigeenadisa, Guddiga Fulinta iyo dhammaan xubanaha xariirka waxey Hambalyo u dirayaan Dhammaan Shaqaale Weynaha, Munaasabadda Maanta oo ah 1-da May 2020.
“Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo qimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa ayaga iyo qoysaskooda”.
“Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil”. uyuu Guddoomiyaha Xiriirka Guud u soo jeediyay shaqaalaha .
Sidoo kale waxa uu sheegay in la xoojinayo xuquuqda iyo wax qabadka shaqaalaha Soomaliyeed, Waxuuna cadeeyay in ururka shaqaalaha uu ku dadaalayo xalinta tabashooyinka jira. “Dowlada waxaa laga codsanaa in ay gacan ka geeysato xalinta tabashooyinka jira”
HAMBALYO SHAQAALE WAYNAHA SOOMAALIYEED
MAHADSANIDIN
