Welcome to Somali Public Workers Union

Hambalyada Sanadka Cusub 2020 ayaa Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowlada ka soo gaartay Ururada Caalamka.

22 Mar

Hambalyada Sanadka Cusub 2020 ayaa Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowlada ka soo gaartay Ururada Caalamka.

 

Waxaa iska soo daba dhacaysay Hambalyada Sanadka Cusub 2020 loo jeedinayay  Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowlada . Hambalyadaasi waxaa u horeeyay oo soo gaarsiiyay Xoghayaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee ururada Shaqaalaha Jaamacadda Carabta (International Confederation of Arab Trade Unions) oo bogaadiyay dhammaan Shaqaalaha Soomaaliya oo cagta saartay wadadii horumarinta dalka.

Waxaana war qoraal ah lagu  sheegay sidan “Waxaan hambalyo ku aaddan dhalashada sanadka cusub ee 2020 u direynaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta caalamka oo idil, sanadkan kiisa kale Eebe ha inagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee ururada Shaqaalaha Jaamacadda Carabta.

 

Hey’adaha Beesha caalamka ee  soo diray  Hambalyada waxey kala ahayeen 

International Trade Union Confederation (ITUC)

World Federation of Trade Unions

International Confederation of Arab Trade Unions

Egyptian Trade Union Federation

Kuwait Trade Union Federation organization

Sudan Workers Trade Unions Federation (SWTUF)

Iraq Trade unions

National Confederation Eritrean Workers

Egyptian Trade Union Federation

General Labour union in Lebanon

 

                       Ka dhageyso links hoose Wareysiga 

Wareysi Gaar ah Gudoomiyaha  Xiriirka Ururada Shaqaalaha Dowladda